Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF Somalia oo amartay taliska Amisom iyo Axmed Madoobe oo qatar wajahaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada talaabooyinkii ugu dambeeyay ee ku aadan doorashooyinka maamulka Jubbaland waxaana saacadihii la soo dhaafay ay qaadatay go’aano adag.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la kulantay Taliska ugu Sarreeya Ciidamada AMISOM ayna ka dalbatay in ay amarkii ay bixiso Dowladda uu ka dhaqan galo Kismaayo iyo guud ahaan Jubbaland fulinta amarkaasna laga rabo Ciidamada AMISOM.

Dowladda Soomaaliya ayaa AMISOM ka dalbatay in amaanka Kismaayo ay la wareegaan Ciidamada Itoobiya lagana wareejiyo Ciidamada maamulka Jubbaland iyadoo sheegtay in ay musharaxiinta wajahayaan qatarro badan oo dhanka amaanka ah.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheysay in maalmaha soo socda ay Kismaayo gaaraan mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya iyo musharaxiin ka walaacsan amnigooda sidaas darteedna looga baahanyahay Ciidamada AMISOM in ay sugaan oo ay la wareegaan amaanka Jubbaland.

Taliska AMISOM ayaa bilaabay kulamo ay la qaadanayaan madaxda hey’adaha amaanka islamarkaana ay ku wargeliyaan in amaanka ku wareejiyaan Ciidamada AMISOM waxaana socda kulamo arintaasi ku saabsan.

Maamulka Jubbaland, ayaa maalmo ka hor soo saaray go’aano degaanada maamulkaasi looga mamnuucayo masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya inta ay Jubbaland ku jirto Marxaladda doorashada iyo waqtiga kala guurka ee Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this