Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo war cusub ka soo saartay DAGAALKII kornayl Caare soo qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa markale ka hadashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Karin ee degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Dagaalkan ayaa wuxuu u dhexeyay Ciidamada Jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare iyo Ciidamada Somaliland ee ku sugnaa deegaankaasi.

Maxamed Axmed Caalim, Guddoomiyaha gobolka Sanaag oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Ceerigaabo, ayaa waxa uu ka warbixiyay dagaalkaasi, isagoona sheegay in ciidamada Somaliland uusan khasaare badan ka soo gaarin, wuxuuna yiri

“Waxa dhacay ciidanka qaranka Somaliland ayaa gaadhay ciidan uu watay Caare, oo ku soo dhowaaday wadada Daallo laga galo, Ciidankuna nasiib wanaag iyadoo waxba ku dhiman, labo gaadhi ayaa Caare laga soo qabtay, isagii iyo saddex gaadhina waxay u yaaceen buurta gudaheeda”.

“Si nabad-gelyaa odayaashi looga daba diray, marwalba xaga nabad-gelyada ayaanu ku mareyna, qofna nagama go’o, howshaasi si wanaagsan ayey u socotaa, waanay soo gaba-gaboobeysa”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Wax khasaara oo dhacay Inan dhaawaca unba jira oo finiin xabado ku dhacay dhagax ay gal-galeen, wax kale oo dhibaata kamay dhicin meesha”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this