Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif Xasan oo saami weyn ku yeeshay banki caan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Indian Ocean ayaa qoray in isbeddel weyn oo dhanka maamulka iyo saamiga ah uu ka dhacay Bankiga Salaam African Bank ee dalka Jabuuti.

Warbixint wargeyska ayaa lagu sheegay in afhayeenkii hore ee baarlamanka Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu noqday qofkii labaad ee saamiga ugu badan ku leh bankiga.

Shariif Xasan ayaa ku xiga saami laha ugu weyn bankiga oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Cali oo madax ka ah shirkadda guryaha ee Al-Rayaan, sida warbixinta ay tiri.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay inay suurta-gal tahay in Shariif Xasan uu dhowaan ku biiro guddiga maamula Bankiga, oo sidoo kale ay ka mid yihiin Maxamed Axmed Cali iyo Cusmaan Ducaale Dirir.

Xiriir aan la sameynay Shariif Xasan si aan wax uga weydiino arrintan nooma suurta-gelin inaan jawaab ka helno.

Shariif Xasan oo ka degay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed bishii November ee sanadii 2018 kadib dagaal siyaasadeed adag oo uu la galay dowladda federaalka, ayaan lagu arag saaxadda siyaasadda iyo goobaha dadweynaha tan iyo markaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this