Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda oo warbixin cusub kasoo saartay xaaladda guddoomiye Yariisow

Recommended Posts

Deeq A.   

Doha (Caasimada Online) – Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaradaha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku sugan Magaalada Dooxa Isbitaalka lagu dabiibaayo dhaawacyadda ayaa faahfaahin ka bixisay Xaaladda caafimad ee Guddoomiye Yariisow.

Wasiirka ayaa sheegtay in Xaaladda Caafimaad ee Gudoomiye Yariisow ay tahay mid ka fiican sidii horay uu u ahaa Markii laga soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Khadiijo ayaa rajo wanaagsan ka muujisay Xaaladda Gudoomiyaha waxaana ay sheegtay in uu soo roonaanayo Gudoomiye Yariisow oo xilliggaan dhaqaatiirtu ay sheegeen in wanaagsan yahay.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in dhaawacyadda kale ay ku jiraan kuwa wali liita, islamarkaana intooda badan ay dhaqaatiirku ka muujiyeen rajo wanaagsan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhaawac daran kasoo gaaray Qaraxii lala beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Sida ay xog gaar ah ku heshay Caaismada Online, Dhaawaca soo gaaray Guddoomiyaha ayaa u badan firirro ka galay qaybaha sare ee Jirka waxaana dhibka ugu wayn hadda ku haayo hal firir oo aan wali laga saarin.
Dad la jooga ayaa Caasiamda Online u sheegay in Guddoomiyaha firirka ugu daran uu uga jira madaxda lana doonayo in maalmaha soo aadan qaliin lagu sameyn doono sida ay dhaqaatiirta xaqiijiyeen. Sidoo kale firirka kale ee halista ahaa ayaa laga saaray Caloosha intii uu ku sugnaa Muqdisho.

Hadii lagu guuleesto qaliinkaan, sida la filayo waxay xaaladiisa ku soo noqon doontaa mid caadi ah waxaana ka hari doono xanuun badan uu hadda wajahayo sida ay qabaan dhaqaatiirta dalka Qatar.

Isbitaalka ugu wayn ee dalka Qatar ayaa lagu daweynaaa Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, waxaana hadda la sheegayaa in uu si tartiib tartiib ah usoo laabanayo ogaalkiisa.

Dhaqaatiirka dalka Qatar ayaa dalbaday in la suuxiyo Guddoomiyaha si uu u naxsto islamarkaana ay maskaxdiisa uga guuraan dhamaan Xasuusaha qaraxaan iyo arimaha siyaasiga ah kadibna la doonayo in qaliin lagu sameeyo.

Maalintii shalay aheyd waxaa soo gaaray qoyskiisa oo ka yimid dalka UK kuwaas oo dalbaday in ay la kulmaan ka hor inta aan qaliinka adag ee u dhiman lagu sameynin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this