Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisadda Iran Iyo Reer Yurub Oo Sii Kordheysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-ran ayaa ku tilmaantay cadaawad iyo daandaansi, qorshe ay Yurub ku rabto in ay ku sameyso ciidamo isbaheysi ah oo galbiya maraakiibta laga leeyahay Yurub ee maalin walba marto gacan biyoodka Hormuz ee u dhaw Iran.

2169C333-EB44-4B17-B13D-28060FE115A2_w10

Afhayeen u hadlay dowladda Iran oo la yiraahdo Ali Babiel ayaa maanta sheegay in Iran ay ogtahay in Yurub ay rabto in ay ciidan u soo dirto Hormuz, taasoo buu yiri ah farriin cadawtooyo.

Xiisadda u dhaxeysa Iran iyo galbeedka ayaa in-dhawaalaba sii xoogeysaneysay kaddib marki ay Tehran kordhisay dhaqdhaqaaqyada ay ka waddo marin biyoodka Hormuz.

Horaanti bishaan ayay ciidamada kacaanka Iran Hormuz ku qabsadeen markab watay calanka Britian, tallaabadaas oo ay Britian ku tilmaantay ficil burcad badeednimo oo ay ku dhaqaaqday dowlad.
Marin biyoodka Hormuz ayaa ku yaalla inta u dhaxeysa Gacanka Percia iyo Gacanka Cuman ee Bariga Dhexe.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this