Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga Oo 505 Ceel Biyood Ka Qoday Dalal Afrikaan Ah Oo Somaliland Ka Mid Tahay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dawladda Turkiga ayaa daboolka ka qaaday inay Ceelal biyood oo tiradoodu tahay 505 Ceel ka qoday dalal ku yaalla Afrika oo ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Somaliland, si ay biyo nadiif ah u helaan 1.8 Milyan oo qof oo ku nool qaaradda Afrika.

thumbs_b_c_1c26b04d9be91792d076f60b32d5e

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Warbaahinta Turkiga oo sheegtay in Turkigu ceelal biyood ka hirgeliyey dalalka Afrika ee ay ka mid yihiin Niger, Maali, Burkiino-faaso, Murataaniya, Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasaaradda Beeraha ee Turkiga ayaa xaqiijisay in hirgelinta ceelashaas ay kala shaqeeyeen Hay’ado iyo Ururo laga leeyahay dalka Turkiga. 505 ceel biyood ee dawladda Turkigu ay ka qoday Afrika waxay 258 Ceel oo ay ka qoday dalka Niger, halka ay Murataaniya ka sameeyeen 102 ceel biyood.

Sidoo kalena waxa Waddanka Burkiino-faaso ay ka sameeyeen 84 Ceel biyood, waxa kaloo ay dalka Maali ka hirgeliyeen 36 ceel biyood.

Wasaaradda Beeraha ee Turkigu waxa kaloo ay caddeysay inay Jamhuuriyadda Somaliland ka qoday 5 Ceel-biyood, halka ay dalka Soomaaliya ay ka sameeyeen Labaatan Ceel.

Dawladda Turkigu intaas ku dartay inay ceel tijaabo ah ka sameysay dalal ay ka mid yihiin Suudaan iyo Jabuuti, halka ay khubarrada dhinaca biyaha ee dalalka Itoobiya iyo Tuuniisiyana ay ku soo tabobareen Turkiga.

Wasaaradda Beeraha ee Turkigu waxay laba u kala saartay mashaariicdii biyaha ee ay ka kala fuliyeen Somaliland iyo Soomaaliya, kadib markii xukuumadda Somaliland hore ugu eedeysay in Turkigu la safan yahay dalka qalalaasuhu hadheeyey ee Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this