Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somailand Iyo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Ambassador James Swan.

67612382_2296763487104158_24178664464669

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Ambassador James Swan ayaa waxa ugu horayn kulankaasi Madaxweynaha iyo Ergayga faahfaahin ka bixyey Wasiirka horumarinta maaliyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire, isagoo kulankaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Maanta oo axad ah waxa madaxweynaha Somaliland ku soo booqday xafiiskiisa, wefti ka socda Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa oo uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee xoghayaha Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa James Swan.

Markii ugu horaysay maaha ee uu Somaliland yimaado hore ayuu u yimid, Ergaygii ugu horeeyeyna maaha oo dhawr Ergay ayaa ina soo maray.

67520893_2296762697104237_15983316206144

Madaxweynuhu aad ayuu usoo dhaweeyey weftiga waxaana laga wadahadalay amuuro kala duwan iyo sidii la isku kaashan lahaa, waxa laga wadahadlay hawlaha hay’addaha Qaramada Midoobay ay halkan ka wadaan, si fiican ayaa la isku afgartay waxaana lagu heshiiyey in wadashaqayn halkaa laga sii wado oo la sii xoojiyo, intaas ayaanu ku soo dhamaaday kulankii marka guud ahaan la isku soo duuduubo,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada Somaliland, Dr Sacad Cali Shire.

Dhinaca kale Ambassador James Swan oo isaguna kulankaasi ka dib Warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Marka ugu horaysa waxaan u mahadnaqayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo dadka Somaliland soo dhaweynta diiran ee aan kala kulmay intii aan ku gudo jiray booqashadayda.

67275116_2296764120437428_51407927290678

Way fiican tahay inaan ku soo noqdo Hargeysa, booqashadaydii ugu horaysay waxay ahayd 1995-kii, markii labaadna waxaan soo noqday sanadkii 2012-kii iyo 2013-kii.

Intii aan ku gudo jiray socdaalkayga labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaan arkay horumarka ay gaadhay, ee dhinacyada dhaqaalaha iyo siiwadida amaanka,” ayuu yidhi Ambassador James Swan oo warbaahinta la hadlayey kulanka uu la yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi kadib.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this