Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Beyle oo Washington kula kulmay Madaxda IMF iyo Bangiga Aduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan Magaalada Washington DC ee Caasimadda waddanka Maraykanka ayaa kulamo la qaatay Madax ka tirsan IMF iyo Bangiga Aduunka.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shirar gooni-gooni ah kula qaatay Magaalada Washington mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, Bangiga Aduunka iyo xubno kale oo ka socday Dalalka Ingiriiska, Talyaaniga iyo Sacuudi Carabiya.

Waxaan Magaalada Washington shirar gooni gooni ah kula qaatay madaxda IMF, Bangiga Aduunka iyo xubno kale oo ka socday Dalalka UK, Italy iyo Saudi Arabia” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mr Beyle, ayaa sheegay in madaxdii uu la kulmay ay wadaageen xogo ku aaddan is-beddalka maaliyadeed ee Soomaaliya iyo hiigsiga ku saabsan deyn cafinta Soomaaliya.

  • 1-60.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-56.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-55.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-52.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-48.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-47.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Wasiir Beyle oo Washington kula kulmay Madaxda IMF iyo Bangiga Aduunka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this