Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa buriyay mooshinkii laga keenay Maxkamadda sare ee Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   
DHOOBO.jpg?w=1000&ssl=1Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland

Guddoonka Golaha wakiilada dowladda Puntland, ayaa Sabtidii shalay sheegay in uu buray mooshin ay xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ka gudbiyeen xubnaha Maxkamadda sare ee Puntland, kadib markii qaarkood ka laabteen.

10 mudane oo ka tirsan Baarlamanka Puntland, ayaa 20-bishan mooshin xilka qaadis ah ka gudbiyay xubnaha Maxkamadda sare ee Puntland oo ay ku eedeeyeen caddaalad-darro iyo musuq maasuq baahsan.

Balse, mooshinkaasi ayaa buray, kadib markii lix kamid ah xildhibaannadii gudbiyay ay ka laabteen, halka ay ku soo hareen afar xildhibaan oo keliya, sida uu sheegay guddoomiyaha Golaha wakiilada Cabdikaxiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Haddaba, xildhibaan Maxamed Cabdi Xaraf oo kamid ahaa mudanayaashii gudbiyay mooshinka, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku faahfaahiyay sida uu moosinka u buray iyo xildhibaannada ka laabtay.

Halkaan ka daawo shirkiisa jaraa’id

PUNTLAND POST

The post Maxaa buriyay mooshinkii laga keenay Maxkamadda sare ee Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this