Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada-hadleen Muuse Biixi iyo James Swan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wefdi ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay wakiilka gaar ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya, Ambassador James Swan.

Kulanka madaxweynaha Somaliland la qaatay wefdiga uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa looga wada-hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin hirgelinta mashaariicda kala duwan ee hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadaan Somaliland.

Kulanka kaddib, waxa saxaafadda si wada-jir ah ula hadlay wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amassador James Swan, waana ay faahfaahiyeen qodobadii laga wada-hadlay.

Kulanka madaxweynaha iyo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay wada qaateen waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka Arrimaha gudaha iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumaddiisa.

Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee labad dhinac

  • 1-59.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-55.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-54.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-51.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-47.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-26.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Maxay ka wada-hadleen Muuse Biixi iyo James Swan? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this