Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga arrimaha dibedda BF oo Cawad su’aalo ka weydiiyey qaraxa loo haysto Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad.

Guddiga ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay shaqooyinka wasaaradda, shaqooyinka la xiriira arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo eedeynta loo jeediyay dowladda Qadar ee la xiriirta qaraxii ka dhacay magaalada Boosaaso.

Warbixin uu daabacay wargeyska The New York Times, ayaa cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefon, waxaa laga maqlay, ganacsade Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.”

Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.”

Wasiir Cawad ayaa horey u sheegay in dowladda Qatar ay sharaxaad ka bixisay eedeymaha loo jeediyey islamarkaana ay si buuxda u beeniyeen, taasi oo dowladda Soomaaliya ay ku qanacday.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo kulanka shir guddoominaayay ayaa ka warbixiyay qodobadii ay kala hadleen wasiirka iyo guddiga.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Xildhibaan-Cosoble.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this