Sign in to follow this  
Deeq A.

Degaannada Puntland oo laga joojiyay in dugsiyo Waxbarasho laga furto

Recommended Posts

Deeq A.   
66404884_2293224254127018_39900591752908Agaasimaha wasaaradda Waxbarashada Puntland

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland, ayaa amar ku bixisay in aan degaannada Puntland laga furan karin wax dugsiyo cusub, ilaa laga helayo ogolaanshaha rasmiga ah ee wasaaradda.

Qoraal ka soo baxay agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax, ayaa sidoo kale lagu amray dugsiyada hoose ee doonaya in ay u gudbaan dugsiya dhexe ama sare, in ay soo maraan nidaamka wasaaradda oo ay qaataan waraaqda ogolaanshaa rasmiga ah.

Waxaa kale oo qoraalka lagu ayaa sheegay, in dugsiyada aan soo marin nidaamka wasaaradda, aysan ka mid noqon doonin dugsiyada u diiwaan-gashan dowladda Puntland, waxaana hay’adaha Waxbarashada caawiya lagu wargeliyay in aysan la shaqeyn karin.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka wasaaradda

FARMAYEERI.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Degaannada Puntland oo laga joojiyay in dugsiyo Waxbarasho laga furto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this