Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qodobada looga hadlay kulankii Muuse Biixi iyo danjire James Swan

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa Madaxtooyada kulan kula qaatay Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo yimid magaalada Hargeysa.

Kulankan ayaa waxa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin hirgelinta mashaariicda kala duwan ee hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadaan deegaanada Somaliland.

Sidoo kale waxa kulanka lagaga wada-hadlay sidii ay Qaramada Midoobay iyo Somaliland iskaga kaashan lahaayeen ka midho dhalinta hawlaha bani-aadamnimo ee deegaanadeeda ka socda iyo arrimo kale.

Kulanka ayaa waxa kale oo la filayaa in lagaga wada-hadley arrimaha doorashooyinka iyo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, oo xukuumada Biixi meel adag iska taagtay.

Danjire Swan ayaa socdaalkan uu ku imid Hargeysa wuxuu noqonaya safarkiisi ugu horeeyay ee uu ku yimaado Caasimada Somaliland, tan iyo markii labo bilood ka hor loo magacaabay xilkaasi.

James ayaa inta uu Somaliland ku sugan yahay wuxuu sii kordhin doona cadaadiska beesha caalamka ku saareyso Xukuumada Muuse Biixi iyo Xisbiyada Mucaaridka sidii ay doorashooyinka Somaliland ugu qabsoomi lahaayeen waqtigooda, iyada oo xisbiyada Somaliland ay shalay ka gaareen khilaafkii doorashada heshiis kama dambeysa.

QQ1.jpg QQ2.jpg QQ3.jpg QQ4.jpg QQ5.jpg QQ6.jpg QQ7.jpg QQ8.jpg QQ9.jpg QQ10.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this