Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha gobolka Karkaar oo awaamiir duldhigay hay’adaha Caalamiga ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Siciid-Faahiye.jpg?w=1000&ssl=1Guddoomiyaha gobolka Karkaar Maxamed Siciid Faahiye

Guddoomiyaha gobolka Karkaar Siciid Maxamed Faahiye, ayaa ku wargeliyay dhammaan hay’adaha Caalamiga ah iyo ururrada Waddaniga ah ee ka hawlgala gobolka Karkaar, in ay maamulka u soo gudbiyaan qorshahooda waxqabad oo qoraal ah, si loo ogaado habsami u-socodka shaqada ay ka hayaan gobolka.

Guddoomiyaha ayaa ku amray hay’adaha Caalamiga ah iyo ururrada Waddaniga ah ee ku sugan gobolka Karkaar, in shaqo kasta oo ay ka samaynayaan gobolka ay xogteeda la wadaagan maamulka, ka hor inta aysan bilaabin, si loola socdo hawsha ay qabanayan iyo halka ay ka qabanayan labadaba.

Mudane Faahiye, ayaa sidoo kale ku amray dhammaan guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Karkaar, in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa hay’adaha ka hawlgala degmooyinka gobolka, si loo ilaaliyo nidaamka shaqo ee heer degmo iyo heer gobolba.

Halkaan hoose ka akhriso

KARKAAR.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha gobolka Karkaar oo awaamiir duldhigay hay’adaha Caalamiga ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this