Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar oo ballan cusub u sameysay Soomaaliya kadib weerarkii gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaahira (Caasimada Online) – Dolwadda Masar ayaa ugu horreyn si xoogan u cambaareysay weerarkii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun tahay weerarkaasi.

Masar ayaa cambaareyn kadib ballan qaaday inay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya  ka caawineyso, sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab.

“Dowladda Masar waxay ka garab-siinaysaa dadka iyo dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada iyo argagixisada.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Masar.

Sidoo kale wasaaradda ayaa intaasi raacisay  “Waxaan dowladda Soomaaliya ka caawineynaa dib u dhiska hay’addaha oo xooggan iyo xasiloonida guud ee dalka.”

Masar ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo ka gacan siisa amniga iyo dhaqaalaha.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this