Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: James Swan oo tegay Hargeysa kulamana la leh Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa shalay gelinkii dambe gaaray gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Swan iyo wafdigiisa ayaa waxaa Hargeysa si diiran ugu soo dhoweeyey madaxda sare ee Somaliland, isaga oo durbo booqasho ku tegay xarumo ku yaalla magaaladaasi.

Sidoo kale ergeyga QM ee Soomaaliya ayaa maanta kulamo kala duwan la qaadanaya Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Kulamadan ayaa intooda badan looga hadli doonaa arrimaha doorashada maamulkaasi iyo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Waa markii ugu horreysay oo uu James Swan booqasho ku tago deegaanada Somaliland, tan iyo markii dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya.

Horay wuxuu u booqday maamullada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

44-5.jpg 11-7.jpg 22-6.jpg 33-5.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this