Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerada Dhadhaab oo si aada hoos ugu dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR Xafiiskeeda Dhadhaab ayaa soo saartay warbixin ay uga hadlayso xaladaha Qaxootiga Dhadhaab iyo tirada dadka halkaas ku nool oo hoos u dhacday gaartayna meeshii ugu hoosaysay abid.

Warbxin Billa ah oo ka soo baxday Xafiiska UNHCR Dhadhaab qeybtiisa Saxaafadda iyo arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in tirada Dadka ku sugan Xeryaha Qaxootiga ee Xarar dheer, Dhagaxleey iyo Ifo ay gaarayaan 2010,475 Qof, oo Boqolkiiba %57 ka mid ah waa Carruur gaartay heerka waxbarshada Iskuullada, 62,610 Carruur ah ayaa dhigata Dugsiyada 49% ka mid ah ayaa aadda xarumaha waxbarshada halka inta dhimanna sababa aan la cayimin darteed anay Iskuullada ku biirin.

Hay’adda Qaxootiga Adduunka ayaa warbxinteeda ku sheegtay in laga soo billaabo Bishii Disembar Sanaddii 2014-kii ay Soomaaliya si iskood ah ugu laabteen Qaxooti gaaraya 80,368 Qof barnaamijkaas oo ay fuliyeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya hay’adda UNHCR.

UNHCR ayaa sheegtay in ay hoos u dhacday dhaqaalihii ay Qaxootiga siin jireen deeq bixiyayaasha Caalamka isla markaana ay hadda helayaan oo keliya 30% qarashaadkii ay u baahnaayeen.

Xerada Qaxootiga ee Kambi Cows ayaa la xiray 31-kii Maarso 2017 halka Xearada Ifo-2 la xiray 31-kii Maajo 2018 waxaana Labadooduba si rasmi ah loogu wareejiyay Dowladda Kenya 21-ka Juun 2019.

Hay’adda ayaan warbixinteeda ku xusin Qaxootiga aan Diiwaan gashanayn ee ku nool Xeryaha Dhadhaab iyo waxyaabaha ugu qorsheysan iyadoo sheegtay in tirada Qaxootiga ay marba marka ka dambeysa sii yaraaneyso.

PUNTLAND POST

The post Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerada Dhadhaab oo si aada hoos ugu dhacay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this