Deeq A. Posted July 28, 2019 Baydhabo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa shaaciyey in qaar ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay fuliyeen amarkii ka soo baxay Al-Shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in Odayaasha Dhaqanka qaarkood ay tageen deegaanada Al-Shabaab, kuwa kalena ay ka biyo diideen amarkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa amar culus dul-dhigay Ergada, gaar ahaan kuwii qaatay amarka Al-Shabaab wuxuuna tilmaamay in ay ka qaadi doonaan tallaabo culus, islamarkaana ay dhigi doonaan xabsiga hadii ay ku soo laabtaan deegaanada maamulkaasi. “Ergada loo yeeray qaar waa ay diideen qaarna waa ay ogolaadeen, kuwii ogolaaday, waxaana leeyahay magalada Baydhabo ku soo noqon meysaan Shabaab baa tihiin, haddii aad soo laabataana Xabsiga ayaan idin dhigeynaa.” ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in amarkan Al-Shabaab ay ka leeyihiin labo u jeedo oo kala ah inay lacag ka qaadaan ergada ama in ay u iibiyaan Hub ay ku dagaalamaan. 15-kii bishan ayey aheyd markii xooggaga Al-Shabaab ay 45 cisho ah u qabteen Odayaashii soo xulay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ka jira dalka, kadib markii ay sheegeen inay ku dhaceen fal Gaalnimo ah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites