Deeq A. Posted July 28, 2019 Kismaayo (Caasimada Online) -Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta magaalada Kismaayo uu ku wajahan yahay wasiiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ka mid ah Musharraxiinta u taagan hoggaanka dowlad goboleedka Jubbaland. Wasiir Oomaar ayaa waxaa galbin doono taliyaha guud ee ciidanka AMISOM Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn, kaas oo la sheegay inuu si qasab ah dib ugu celinayo magaallo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. AMISOM ayaa ka hortagi doonto, haddii Jubbaland ay is hor istaag ku sameyso Musharraxaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa ku warramaya in Oomaar marka uu tago halkaasi uu si rasmi ah ugu dhawaaqi doono Musharraxnimadiisa. Jubbaland ayaa horay uga mamnuucday deegaanadeeda inay tagaan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya, inta ay ka dhaceyo doorashada. Dhanka kale xaalad kacsanaan ah ayaa haatan laga dareemayaa gudaha magaalada Kismaayo, iyadoo ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan ciidamada maamulka Jubbaland. Doorashada Jubbaland oo la filayo in la qabto bisha soo socoto Augusto ayaa waxaa weli jira caqabado u baahan in la xaliyo, sida arrinta Musharraxiinta oo tabasho ka qaba guddiga doorashooyinka ee maamulkaasi. Inta badan Musharraxiinta ayaanan is diiwaangelin, iyada oo waqtigii lagu daray uu sii dhammaanayo. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana Axmed Madoobe oo doonaya in markii saddexaad loo doorto xilkan uu la kulamayaa sanadkan cadaadis xoogan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites