Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad Dagaal Oo Laga Soo Sheegayo Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidanka Somaliland iyo sidoo kale kuwa uu hoggaamiyo Korneel Caarre.

Deegaanno duleedka ka ah magaalada Ceerigaabo ayaa lagu soo waramayaa in xiisaddan ay ka taagan tahay, iyadoo xilli walbo la filan karo isku dhac Labada dhinac ah.

Shalay ayeey ahayd markii Jabhadda Korneel Caarre ay duulaan ku qaadday saldhiga ay ciidanka Somaliland ku lahaayeen deegaanka Karinka, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Labada dhinac ayaa mid walba dhankiisa guul u sheegtay, balse saakay ayaa lagu waabariistay xiisaddan Labada dhinac.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this