Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: Muuqaalka gabadhii fulisay qaraxii G/Banaadir iyo wareysi ay hore u bixisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Illaa iyo hadda xogta la hayo waxay sheegeysaa in weerarkii xarunta gobolka Banaadir ay fulisay Basiira Cabdi Maxamed, oo aheyd agaasimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee gobolka Banaadir islamarkaana aragga naafo ka aheyd.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Gabadha weerarka fulisay ay gacan ku siisay gabar kale oo caawiye u aheyd qofka is qaxriyay.

Basiiro, oo markii hore ku shaqeyn ku jirtay dhismaha Guri Hooyooyinka ayaa dhowaan ka shaqa bilaawday maamulka Gobalka Banaadir, waxa ayna aheyd qofka kaliya ee aan la baarin oo albaab gaar ah ka soo gala gobalka Banaadir.

Dad badan ayaan muuqaal ahaan arkin gabadhan, waxaana helnay wareysi ay ku dhowaad sanad ka hor siisay idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho markii loo magacaabay xilka agaasimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee gobolka Banaadir.

Hoos ka daawo wareysiga Basiira

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this