Sign in to follow this  
Deeq A.

2 sano ka hor ayaa Farmaajo ‘la siiyey liiska Shabaabka ku dhex jira dowladda’ – Balse kadib maxaa dhacay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku-xigeenkii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Jeneral Cabdalla Cabdalla ayaa ka jawaabay hadalkii madaxweyne Farmaajo uu ku qirtay in xubno Al-Shabaab ay ku dhex jiraan dowladda.

Cabdalla Cabdalla ayaa isaga oo tixraacaya qoraal ay arrintan ka sameysay Caasimada Online, waxa uu boggiisa twitter-ka soo dhigay inay la yaab tahay in madaxweynaha uu arrintan hadda un qirto, xilli uu caddeynteeda haystay laba sano ka hor.

“Waa arrin lala yaabo, laba sano ka hor ayaa Farmaajo gacanta loo galiyay liiska Al-Shabaabka dowladda ku jira. Wixii maalintaas ka dambeeyay waxaa muuqatay in Farmaajo raali ka yahay maadama uusan tallabo qaadin.” Ayuu yiri Cabdalla Cabdalla.

“Bal aan aragno mar kale madaxweynaha tallaabada uu qaado?! dacadnimo haday jirto.” Ayuu sii raaciyey.

Cabdalla Cabdalla ayaa dhinaca kale sheegay in “Al-Shababka dowladda ku dhex jira ay muujiyeen sida ay ula wareegeen amniga magaalada Muqdisho.”

“Waxay maraysaa maxaa nalaga qaadi karaa? Yaase wax ka qaadi kara?, Haddii madaxweyne lawaayay, dalku baarlaman maleh miyaa? Meeye Guddoomiyasaashii labada aqal?” ayuu yiri.

Xafiiska Farmaajo oo arrintan wax ka weydiinay way diideen inay jawaab ka bixiyaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalin kadib qaraxii xarunta gobolka yiri “Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this