Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Guddoomiyaha BF oo guryo ka iibsaday Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Ambassador Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guryo iyo dhul ka iibsaday magaalada Ankara ee Xarunta dalka Turkiga, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Caasimada Online ayaa ogaatay in dhowr bilood ka hor uu Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaaan Guri wayn uu ka iibsaday magaalada Ankara ee Xarunta dalka Turkiga waxaana la sheegay in uu yahay gurigii 2-aad ee uu ka iibsado Turkiga.

Gurigaan oo ka kooban dhismo casri ah iyo dhulka uu ku yaalo ayaa sidoo kale leh beer lagu nasto iyo Baraag lagu qubeysto, waxaana lagu tirayaa guryaha dadka sar sare ay dagaan.

Turkiga waxaa lagu tiriyaa dalalka ay aad u hooseyso qiimaha noolasha ama qarashka ku baxa, waxaana ku soo badanaya shaqsiyaadka Soomaalid ah ee halkaas degaanka ka dhiganaya islamarkaana ka iibsanayo Guryo.

Guryahaan ayaa la sheegay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka loo iibiyay bilo kadib markii laga soo laabtay buuq iyo guuxii siyaasadeed ee ka dhashay Warbixintii Guddiga Maaliyadda taas oo sababtay Khilaafka Madaxda Dowladda Markii dambane lagu xaliyay in uu tanaasulay Guddoomiye Mursal.

Iskuday aan kula xiriirnay xafiiska Mursal, si ay jawaab uga bixiyaan nooma suurta-gelin inaan helno. Haddii ay nala soo xiriiraan si ay uga jawaabaan arrintan waan idinla soo socodsiin doonnaa Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this