Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Mukhtaar Roobow oo xabsiga laga soo saarayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheeneysa inay xabsiga ka saarto Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, una wareejiso xabsi guri, sida ay ilo-wareedyo ku dhow wadaadka u sheegeen Caasimada Online.

Roobow ayaa ku jira xabsi ku dhex yaalla xarunta hay’adda nabad-sugidda ee Habar Khadiijo, oo lagu hayey tan iyo markii laga soo xiray magaalada Baydhaba bishii 13-kii December ee 2018.

Sababta xabsiga guriga loogu wareejinayo Roobow ayaa lagu sheegay in dadka isaga ku dhow ay ka walaacsan yihiin inuu u baylahan yahay in Al-Shabaab ay ku dhex beegsato xabsiga, waxayna dalabanayaan in lasii dayao.

Waxaa sidoo kale jirta in xaaladda caafimaad ee Roobow aysan wanaagsaneyn bilihii dhowaa, waxaana la rumeysan yahay in xabsiga guriga uu uga wanaagsan yahay xabsiga caadiga ah.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa 24-kii June laga soo saaray Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku qaatay muddo 5 habeen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha Isbitaalka iyo eheladiisa.

Abuu Mansuur ayaa ka xanuunsanaya Kiliyaha waxaana la sheegay in uu aad u dhamaaday islamarkaana ay ka sii dareyso xaaladda Caafimaad. Dhaqaatiirta Isbitaalka Digfeer ayaa ku taliyay in Sheekh Mukhtaar loo qaado dibadda si loogu soo daweeyo.

Waxay markaas ahayd waqtigii labaad oo muddo ka yar 40 cesho Isbitaal la dhigo Abuu Mansuur. Bartimihii ramadaanka ayaa sidoo kale Roobow la dhigay Isbitalka.

Mukhtaar Roobow, waa adag tahay in dal walba loo qaado sida wadamada Caafimaadka ku wanaagsan sida Hindiya iyo Germany balse waxaa la filayaa in loo qaado Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo dalka Qatar oo aad u taageera Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this