Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid ka mid dhaawacyadii loo qaaday Qatar iyo mid laga tagay oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa xaqiijisay in uu geeriyooday mid ka mid dhaawacyadii loo qaaday Magaalada Dooxa ee Qatar.

Maxamed Cusmaan Cali ayaa Galabta ku geeriyooday isbitaalkii Xaaladdiisa Caafimaad lagula Tacaalayay.

Sidoo kale, waxaa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Cabdalla Caaqil oo kamid ahaa mas’uuliyiintii dhaawaca daran uu ka soo gaaray qarixii xoogganaa ee Arbacadii ka dhacay gudaha Aqalka dowladda Hoose.

Marxuumka oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Xoghaya guud ee Gobolka Banaadir Cumar C/risaaq, ayaa kamid ahaa dadkii ugu darnaa dhaawacyada xun ay ka soo gaareen qaraxa, waxaana suura gali weysay in loo qaado dalka Qatar.

Qaar kamid ah eheladiisa, ayaa Warbaahinta u sheegay in Maxamed Cabdalla Caaqil ku xirnaa Ogsajiin, taasoo suura galin weysay in mar qura laga furo, si uu qeyb uga noqdo mas’uuliyiintii dalka laga dhoofiyay Khamiistii.

Waxa uu noqonayaa mas’uulkii 8-aad inta la xaqiijiyay ee gobolka Banaadir uga geeriyootay qaraxa oo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Shabaab, wallow bartilmaameedka weerarka ay ku micneeyeen inuu ahaa James Swan oo ah Wakiilka Qaramada Midoobe, kaasoo Saacad kahor goobta isaga tagay.

Waxaa hore loo xaqiijiyay geerida Gudoomiye-yaasha Degmooyinka C/casiis, Shangaani iyo Waaberi, Agaasimihii Nadaafadda Gobolka Banadir, C/fitaax Cumar Xalane, Agaasimihi Shaqada iyo Shaqaalaha, C/laahi Dheere, Abukaate Xasan Maxamed Sabriye oo ahaa La-taliyihii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Agaasimihii Qorsheynta Deegaanka Dowladda Hoose, Injineer Shuuriye, halka ay ku dhaawacmeen masuuliyiin uu ugu sareeyo Duqa Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this