Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maxaa ilaa hadda laga ogyahay qaraxii xarunta gobalka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaa iyo hadda hay’adaha amaanka Soomaaliya waxay wadaan baaritaanka dadkii soo abaabulay weerarkii lagu qaaday Xarunta maamulka gobalka Banaadir, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo masuuliyiin ah.

Hay’adaha ammaanka waxay si gaar ah u baarayaan gabar hogaamiye u aheyd haweeneyda la aaminsan yahay in ay is qarxisay ee aragga naafada ka aheyd taas oo lagu magacaabo Basiiro Cabdi Maxamed.

Sidoo kale hey’adaha amaanka ayaa wada dedaal ay ku raadinayaan in ay soo helaan qoyska iyo gurigii ay ku nooleed Basiiro Cabdi Maxamed oo la sheegay in ay is qarxisay.

Raadadka baaritaanka ayaa la aaminsanyahay in uu saameyn ku yeelan doono masuuliyiin ka tirsan hey’adaha ammaanka ee Gobalka Banaadir iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Busra ayaa waxaa la sheegay in maamulka gobolka uu u geeyey xildhibaan ka tirsan dowladda kana codsaday in loo shaqaaleeyo.

Ciidamada Dowladda ayaa xalay baaray ilaa 2 guri oo la sheegay in lagu tuhmay in Al-Shabaab ay ka soo abaabuleen weerarkii Xarunta Gobalka Banaadir, kuwaas oo ay dagan yihiin Xubno ka tirsan Dowladda Hoose oo aan magacooda la shaacin

Rajo wayn lagama qabo in sida xogta loo helo iyo baaritaankii la sameeyay natiijadiisa in ay Dowladda Soomaaliya ku shaqa geli doonto maadaama kiiskaan uu lagaha la sii galayo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobalka Banaadir.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidaan oo kale qaraxyo ay Al-Shabaab ka fuliyeen xarumo dowladeed baaritaan ku sameysay kadibna meel dhexe uga soo hartay kadib markii uu lugaha lagalay masuuliyiin sar sare oo katirsan Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this