Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Iyo Ingriiska oo yeelanaaya xidhiidh ganacsi oo baaxadleh

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay soconayaan wadahadallo ku saabsan heshiis ganacsi “oo aad muhiim ah” oo uu la leeyahay UK.

Heshiis labada dal ay yeeshaan kaddib markii Britain ay isaga baxdo Midowga Yurub ayaa waxaa suuragal ah inuu horseedo ganacsi ka badan “saddex ilaa afar, xitaa jeer” midka haatan jira, waxaa sidaasi sheegay madaxweynaha Mareykanka.

Kaddib markii uu Jimcihii khadka taleefanka kula hadlay Boris Johnson, ayuu Mr Trump waxa uu sheegay in ra’iisul wasaaraha cusub uu noqon doono mid “weyn”.

Mr Trump ayaa sheegay in ganacsiga markii hore ka dhaxeeyay Mareykanka iyo UK ay “waxyeeleysay” xubinnimadii Britain ee Midowga Yurub.

Haddaba markii UK ay Midowgaasi isaga baxdo, ayuu ku daray, waxaa laga filan karaa “inay wax badan” ka qabato gacansiga kala dhaxeeya Mareykanka.

Mr Johnson iyo Mr Trump ayaa sheegay inay “sida ugu dhaqsiyaha badan” u bilaabi doonaan wadahadallada rasmiga ah kaddib markii Britain ay isaga baxdo Midowga Yurub.

Inta UK ay ka tirsan tahay Midowga Yurub ayaanay geli karin heshiisyo ganacsi oo u gaar ah. Ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurubna waxaa lagu wadaa inuu dhaco 31 bisha Oktoobar ee soo aaddan.

Muxuu yahay heshiis ganacsi?
Heshiisyada gacansi ayaa waxa ay dhexmaraan laba ama in ka badan dalalka caalamka kuwaas oo isku afgarta qaabka ay badeecadaha isku dhaafsadaan iyo adeegyadaba.

Heshiisyada ayaa waxaa loogu talagalay in sare loogu ganacsiga sidoo kalana meesha loogaga saaro waxyaabaha caqabadaha ku noqon kara ganacsiga.

Waxyaabaha caqabadaha ku noqon kara ganacsiga waxaa ka mid ah canshuuraha la saaro alaabaha uu dalka dhoofiyo ama la soo dego ama in meesha laga saaro shuruucda ku saabsan arrimaha sida badqabka.

Maxaanay Mareykanka iyo UK heshiis ganacsi u lahayn?
Si kooban Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaanan lahayn heshiis ganacsi.

Xiriirka kastamyada ee Midowga Yurub ayaa waxa uu mamnuucayaa in dal ka tirsan Midowga uu heshiisyo ganacsi dal kale kala xaajoodo. Taa badalkeedana heshiisyada ganacsi si guud ayaa loo gala.

2013-kii Madaxweynihii Mareykanka ee waqtigaas Barack Obama, ayaa Mareykanka iyo Midowga Yurub waxa ay bilaabeen barnaamij wadaxaajood ah oo loo yaqaan Ganacsiga dalalka dhaca badda Atlantic-ga iyo Iskaashiga Maalgashiga ee loo soo gaabiyo TTIP.

Heshiiskaasi ganacsi ee la soo jeediyay ayaa waxaa hakiyay Mareykanka kaddib markii xilka madaxtinimada loo doortay Mr Trump, hasayeeshee Midowga Yubub ayaa waxa uu meel mariyay wadahadallo cusub in la galo.

Muddo intee la eg ayey qaadan kartaa in Mareykanka iyo UK ku heshiiyaan heshiiska ganacsi?

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this