Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo fasiraad ka bixiyey qaraxii xarunta gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal u jeediyay qorayaal lagu marti-qaaday bandhiga Buugaagta Garoowe, ayaa si kooban u fasiray farriinta uu dirayo qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay xarunta dowladda hoose ee magaalada Xamar ay tahay meel si weyn amnigeeda loo sugo, islamarkaana qaraxa ka dhacay halkaasi uu tusaale u yahay calaamad khatar ah oo muujinaysa rajo xumo cusub.

“Xarunta waxaa la ii sheegay in amnigeedu aad u adkaa, oo aysan ahayn meelaha sida sahlan loo geli karay, marka runtii waa calaamad khatar ah meelihii sidaas oo kaleeto ahaa haddii la gaarayo, oo dadkiiba wax la aamino la garan waayo, iyada lafteedu waa nooc horleh oo dadkii rajo xumo ku abuuraysa” ayuu yiri Deni.

Balse, madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in uu aaminsan yahay in qaraxaasi wax laga baran doono.

“laakiin anigu waxaan aaaminsanahay haddii Ilaahay idinka dhigo, in wax laga baranaayo markii wax dhacaanba waxbaa laga bartaaye.” Ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland.

“Waxaan rajeynayaa in umadda Soomaaliyeed amniga u feejignaadan. Hadan dad Soomaali ah fududeyn way adkaaneysaa in waxay doonan ay fuliyaan,” ayuu Deni ku daray.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this