Sign in to follow this  
Deeq A.

Goodax Barre oo ka warbxiyey Manhajka cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furay tababarka tababarayaasha Macallimiinta Qaraanka.

Tababarka ayaa loo furay ku dhowaad 200 bare oo loogu tala galay in ay sii tababaraan Macallimiinta Iskuullada ku yaalla Gobalka Banaadir .

Tababarka barayaashan oo socon doona mudo 10 Maalmood ah ayaa waxaa bixin doona aqoonyahanno qibrad dheer  u leh tababarka Macallimiinta Dugsiyada.

Macallimiinta ayaa lagu tababari doonaa Manhajka ay dhowaan diyaarisay Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, oo ka kooban Fasallada 1-aad illaa 8-aad.

Wasiir Goodax, ayaa sheegay si Manhajka ay diyaarisay Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya  loo gaarsiiyo Dalka oo dhan, in ay ka go’an tahay in ay soo saaraan Macallimiin u tababaran.

“Maanta waxaan  furay tababarka tababarayaasha Macallimiinta Qaraanka oo ahmiyad gaar ah u leh horumarinta waxbarashada Dalka,Manhajka lagu tababarayo Macallimiinta waxa uu qeyb weyn ka qaadanayaa tayada waxbarashada Soomaaliyeed” ayuu yiri, Wasiir, Goodax.

Wasiirka ayaa sheegay in tayada waxbarashadu ay ka kooban tahay Macallinka  iyo Manhajka, balse loo baahan yahay in la helo kormeer adag oo hubiya, si loo ogaado in ay si wanaagsan isula  taabba qaadeen, isagoo intaa raaciyay in Dugsi kasta iyo hay,ad walba Fasallada 1-aad illaa 8-aad ay qasab ku tahay in ay ku shaqeeyaan Manhaj ay diyaarisay Wasaaradda waxbarashada.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

IMG-20190727-WA0041.jpgIMG-20190727-WA0042.jpgIMG-20190727-WA0043.jpgIMG-20190727-WA0044.jpgIMG-20190727-WA0045.jpgIMG-20190727-WA0046.jpgIMG-20190727-WA0047.jpgIMG-20190727-WA0048.jpgIMG-20190727-WA0049.jpgIMG-20190727-WA0050.jpgIMG-20190727-WA0051.jpgIMG-20190727-WA0052.jpgIMG-20190727-WA0053.jpgIMG-20190727-WA0054.jpgIMG-20190727-WA0055.jpgIMG-20190727-WA0056.jpgIMG-20190727-WA0057.jpgIMG-20190727-WA0058.jpgIMG-20190727-WA0059.jpgIMG-20190727-WA0060.jpgIMG-20190727-WA0061.jpgIMG-20190727-WA0062.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this