Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo qarxay iyo korneyl Caare oo weerar ku qaaday Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaad ayaa sheegaya in dagaal culus uu deegaanka Karin ee degmadaasi ku dhex-maray Ciidamada Jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare iyo Ciidamada Somaliland ee ku sugan deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu yimid ka dib markii Jabhada Caare ay ka soo baxeen Buurtii ay hore saldhiga uga sameysteen ee ku taalay deegaanada Ceerigaabo, isla markaan weerar ku qaaden deegaanka Karin oo ay ku sugnaayeen ciidamada Somaliland.

Ciidamada Somaliland ee ku sugnaa deegaankaasi ayaa iyaguna markiiba iska caabin kala hor-tagay ciidamada uu hogaamiyo Kornayl Caare, midaasi oo sababtay iska hor imaad culus.

Dagaalkan ayaa imaanaya kadib markii Jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare ay shalay sameysay aag badalasho, iyadoona ka guurtay Buurtii ay saldhiga hore uga dhigatay, isla markaana u guurtay marin muhiim ah oo ku yaala degaanka Tabca.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, inkasta oo ay soo baxayaan tirooyin is-khilaafaya oo ku aadan ciidamada labada dhinac kaga waxyeeloobay dagaalkaasi.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this