Deeq A. Posted July 27, 2019 Ceerigaabo (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal saaka aroortii hore ka dhacay duleedka degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland iyo Jabhadda Dulmidiid ee uu hoggaamiyo Col. Siciid Cawil Jaamac Caare. Sida la sheegay dagaalka ayaa yimid, kadib markii Somaliland ay weerar ku qaaday fariisin ciidamo taabacsan Col Caare ay ku leeyihiin deegaanka Karin ee gobolka Sanaag. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka oo socday muddo kooban ayaa la’isku adeegsaday hubka nuucyadiiska kala duwan. Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa ku dhaawacmay dagaalkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Xaaladda ayaa hadda degan, balse waxaa weli si hor fadhiya dhinacyadii ku diriray halkaasi. Ciidamada S/land iyo kuwa Jabhadda uu hoggaamiyo Col. Caarre ayaa dhowr jeer ku dagaalamay qeybo ka mid ah gobollada Sool Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites