Deeq A. Posted July 27, 2019 Beledweyne (SMN) – Wararka laga helayo Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya qarax xoogan lagula eegtay gobolkaasi. Qaraxa oo Miino ahaa ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen ciidamadaasi, xilli ay marayeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan. Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ayaa shaaciyey inay ku dishay askar ka tirsanaa ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Ma shaasin dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay qaraxaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howlgalla gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites