Deeq A. Posted July 27, 2019 Balacad (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa bilowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Ilbaq oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Goobjooge la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey dagaalkaasi, wuxuuna sheegay in lagu dilay 6 ka mid ah ciidanka AMISOM, sidoo kalena lagu gubay mid ka mid ah gaadiidkooda. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka taliska AMISOM oo ku aadan dagaalkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/cod-c-qani.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites