Deeq A. Posted July 27, 2019 Stockholm (SMN) – Dowladda Sweden ayaa Staffan Tillander u magacaabatay in uu noqdo danjiraheeda cusub ee u fadhin doona Soomaaliya, sidda ay xaqiijisay safaaradda Muqdisho. Tillander oo lagu waddo in uu xafiiska la wareego horaanta bisha September ee sanadkan 2019 ayaa wuxuu bedeli doonaa diblumaasiga Andreas von Uexkü War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in safiirka cusub uu waayo-aragnimo badan u leeyahay Soomaaliya. ‘Tillander waxa uu khibrad balaaran uu ka haystaa Afrika iyo gobolka Geeska Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka. Uexkü oo shaqsi dhalinyaro ah, ayaa dowlad goboleedyadda dalka kuwii ugu dambeeyay ee uu socdaal ku tegay waxaa kamid ah Puntland iyo Jubbaland. Madaxda maamuladaasi ayaa wuxuu kala arrinsaday taageerada ay siiso dowladiisa, mashaariicyadda horumarineed iyo doorashooyinka waddanka kusoo fool leh sanadkan 2020-21. Sweden ayaa safka hore uga jirta wadamada Midowga Yurub iyo kuwa kale ee caalamka oo taageero maaliyadeed iyo mid siyaasadeed ku garab-taagan Soomaaliya tan iyo burburka haatan laga soo kabanayo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites