Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey Xaaladda Guddoomiye Yariisow iyo Shaqaalaha Gobolka oo la fasaxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Doha (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Magaalada Doha ee dalka Qadar ayaa sheegayo inuu weli xaalad deg deg ah ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisow kaasoo dhaawaciisa maalin ka hor la geeyey halkaas.

Dhaawacyadaan oo gaarayo illaa 12 ayaa waxaa la dhigay Hamad General Hospital oo ah Isbitaalka ugu weyn oo ay leedahay Dowladda Qadar.

Dhaqaatirta ayaa sheegay inuu Yariisow weli ku jiro xaalad deg deg ah, isla markaasna ay la tacaalayaan ilaa hadda sidii uu ugu soo laaban lahaa xaalad degan.

Dhaawacyada ayaa labo qeyb loo kala qeybiyay, qeyb dhaawacyada culus oo uu ku jiro Guddoomiye Eng, Yariisow oo la dhigay qeybta sare ee dhismaha Isbitaalka Hamad, halka qeybta kale la dhigay ee hoose.

Ehelada dhaawacyada ayaa la dejiyay Hotel ku dhow Isbitaalka, si ay xaaladooda ula socdaan, waxaana Safaaradda Soomaaliya ee Doxa ay qaabilsaneyd howlaha isku xirka ehelada iyo bukaanada.

Dhaawacyadaan ayaa yimaadeen kadib markii qof la sheegay inay dumar aheyd ay isku qarxisay bartamaha shir u socday Guddoomiyaha Gobolka iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka inkastoo ay Al-Shabaab sheegtay inuu qaraxa ahaa mid meesha lagu diyaariyey.

Dhanka kale Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa galay muddo fasax ah kaddib weerarkii Arbacadii ka dhacay Xarunta Dowladda hoose ee Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Dheere, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Gobolka ayaa sheegay in shaqaalaha gobolka ay galeen saddex maalmood oo fasax ah.

Waxaa uu ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkii Arbacadii ka dhacay Xarunta dowladda hoose halkaas oo uu qarax ka dhacay iyada oo uu ka socday kulan looga hadlayay amniga Muqdisho.

Afhayeenku sooma hadal qaadin xaaladda caafimaad ee Duqa Muqdisho oo ka mid ah dadka weerarkaas ku dhaawacmay islamarkaana loo qaaday dalka Qadar.

Dhinaca kale Saalax Dheere ayaa sheegay in Guddigii loo saaray in ay weerarkaas baaris ku sameeyaan wali wadaan howsha baarista islamarkaana natiijada ay soo saaraan laga war dhowrayo.

Wararkii ugu dambeeyey qaabkii loo fuliyey qaraxii Xarunta Goboka Banaadir

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this