Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi: Madaxda Villa Somalia uma muuqdo dhiigga ku daadanaya Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha golaha shacabka, ahna xildhibaan mucaarad ah ayaa dhaliil culus u jeediyey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Fiqi ayaa sheegay in Madaxa Villa Soomaaliya uusan uu muuqan dhiiga , dhaawaca  joogtada ah iyo dayacaad uu sheegay inay ka jirto magaalada Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in hankooda uu ku siman yahay kaliya boobida kuraasta dowlad goboleedyada dalkaka.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo qoraalkam soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa intaasi ku daray in Xamar oo ay ka jirto amni xumo laga daad gureynayo ciidamo, islamarkaana la geynayo magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud oo uu xusay inay ka jirto nabad galyo, sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose ka aqriso:

Ciidamada la leeyahay Xamar oo amni xumada ka jirta la wada og-yahey ayaa laga daad-guraynayaa oo loo wado Dh.Mareeb oo nabadgalyo ah, sow uma eka in hashii caloosha laga rarayo.

Waxaa muuqata in madaxda Villa Somalia uusan u muuqan dhiigga iyo dhaawaca joogtada ah ee ka dhashey amni xumada iyo dayacaadda Muqdisho ka jirta, hammigooda iyo hankooduna uu ku siman yahay kuraasta dawlad goboleedyada oo xoog lagu soo boobo iyo qalqal-gelinta dhul nabad ay ka jirto.

Muddo 40 casho ah oo uu raysulwasaaruhu ku maqnaa Galmudug wuxuu ka badin waayey in uu codsado ciidamo xamar laga soo daad-gureeyo oo amni xumadii ugu weyneyd ay ka dhacday todobaadkan asagoo xataa aamini waayey kuwii uu lahaa waa qarameeyey! ma warkisii hore ayaan wax ka jirin mise maleeshiyaadkii asaga daacadda u ahaa ee uu deegaanadaas ku abuuranayey ee la sheegayey ayaa run ah?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this