Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye ka badbaaday qaraxii G/Banaadir oo ka hadlay sida ay wax u dhaceen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Xamaweyne ee gobolka Banaadir Cabduqaadir Maxamed Cabduqadir ayaa ka hadlay qaraxii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Cabduqaadir Maxamed Cabduqadir oo ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa sheegay in mar qura uu ka soo baraarugay, iyagoo dhulka wada jifo, islamarkaana meesha ay noqotay dhaawac, dhimasho iyo burbur .

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu aad uga murugeysan yahay Saaxibidiisii ku dhintay weerarkaasi

“Allaah ayaa mahad iskaleh oo iga badbaadiyay qaraxii Al-Shabaab nala beegsadeen waxaan weli la murugeysanahay Asxaabteydi qaaliga ahaa oo wax yar ka hor aan wada faraxsaneen daqiiqada kadibna aan ku soo baraarugay anagoo dhulka wada jiifno meesha dhan ay noqotay dhaawac iyo dhimasho iyo burbur.

Weli qalbigeyga wey ka bixi la’dahay wixii meesha ka dhacay Asxaabti meesha nooga shahiiday Allaaha u naxariisto, inta dhaawaca ah ee uu ugu horeeyo gudomiyaha gobolka banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cisman Yariisow Allaaha caafimaad dag dag ah hasiiyo” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xamaweyne.

Dhanka kale waxa uu ka warbixiyey xaaladdiisa caafimaad iyo sida ay wax u gaareen.

“Aniga waxaa igaaray jab kalxanta ah iyo firir yar ah oo lugta ah iyo muraayadihii hoolka oo wajiga iga dhaawacay, alxamdulilaah ilaahey intaas iigu simay ayaa mahad iskaleh waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Asxaabti isoo booqatay iyo kuwii iisoo duceeyay, aad ayaad u mahadsan tihiin”ayuu intaasi raaciyey  Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir.

Weerarkan oo ay sheegatay Al-Shabaab ayaa lagu soo aadiyey, xilli uu shir u socday maas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, waxaana halkaasi ku dhintay guddoomiye degmo, agaasimeyaal ka tirsan gobolka iyo dad kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this