Deeq A. Posted July 27, 2019 Muqdisho (SMN) – Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta lagaga hadlo hindise sharciyeedyo kala duwan, kuwaas oo horay ay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka ee BJFS . Ajandayaasha uu Golaha Aqalka sare Maanta ka hadlaya ayaa waxaa ka mid ah, Akhrinta 1-aad ee hindise-sharciyeedka Shidaalka (Bartoolka), Akhrinta 1-aad ee hindise sharciyeedka hawlgabnimada, iyo sidoo kale xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha Ciidamada Qalabka sida. View the full article Share this post Link to post Share on other sites