Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo fasiraad ka bixiyay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal u jeediyay Qorayaal lagu marti-qaaday bandhiga Buugaagta Garoowe, ayaa si kooban u fasiray farriinta uu dirayo qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay xarunta dowladda hoose ee magaalada Xamar, ay tahay meel si weyn amnigeeda loo sugo, islamarkaana qaraxa ka dhacay halkaasi uu tusaale u yahay ,calaamad khatar ah oo muujinaysa rajo xumo cusub.

Xarunta waxaa la ii sheegay in security-gu aad u adkaa, oo aysan ahayn meelaha sida sahlan loo geli karay, marka runtii waa calaamad khatar ah meelihii sidaas oo kaleeto ahaa haddii la gaarayo, oo dadkiiba wax la aamino la garan waayo, iyada lafteedu waa nooc horleh oo dadkii rajo xumo ku abuuraysa” ayuu yiri Deni.

Balse, madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in uu aaminsanyahay in qaraxaasi wax laga baran doono ” laakiin anigu waxaan aaaminsanahay haddii Ilaahay idinka dhigo, in wax laga baranaayo markii wax dhacaanba waxbaa laga bartaaye”.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo fasiraad ka bixiyay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this