Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku dhawaad 100 sarkaal oo Kumaandoos ah oo la keenayo Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Kampala (Caasimada Online) Waxaa lagu wadaa in beri magaalada Muqdisho ay soo gaaraan saraakiil Kumaandoos ah oo tababar culus ku soo qaatay gudaha dalka Uganda.

Saraakiishan oo gaaraya illaa 95 oo u badan dhalinyaro ayaa hal sano iyo bar tababar socday ku soo qaatay xerada Kambaba oo ku taalla degmada Mubende ee dalkaasi.

Qaban qaabada munaasabad ay ku qalin jabinayaan saraakiishan ayaa haatan ka socota xerada Kambaba oo ah xero weyn oo lagu soo saaro ciidanka Uganda.

La-taliyaha Madaxweynaha ee xagga ciidanka iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa ka qeyb galaya xafladdaasi.

Gelinka dambe ee bari oo Axad ah ayey saraakiishan soo gaari doonaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalladan ka dhanka ah Al-Shabaab, iyaga oo ka howlgali doono deegaano kala duwan.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka sida aadka uga qeyb qaata tababarida ciidanka dowladda, waxaana sidoo kale ay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Ururka Midowga Africa ee AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Kampala
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this