Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo Sixiroole ku toogtay degmada Saakow

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) Al-Shabaab ayaa shalay gelin dambe dil toogasho ah ku fulisay nin ay sheegeen inuu ahaa Sixiroole.

Toofgashada ayaa ka dhacday fagaare weyn oo ku yaalla degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Fagaaraha lagu toogtay ninkaasi oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Macalin Cabdullaahi ayaa waxaa ku sugnaa boqolaal dadweyne iyo xubno ka tirsa Al-Shabaab.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa ninkaasi ku eedeeyey in uu labo jeer Kufsaday gabar uu dhalay, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Ibraahim Macalin Cabdullaahi ayaa 51 jir ahaa, waxaana maxkamad hootagta Al-Shabaab ay sheegtay inuu qirtay dhammaan eedeymahaasi.

Muddooyinkii dmabe Al-Shabaab ayaa kordhiyay falalka toogashada ah, waxaana dhawaan gobollada Jubbooyinka ay ku tootgeen dad ay ku eedeeyeen falal la xariira basaasnimo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this