Sign in to follow this  
Deeq A.

Africom Oo Hoggaan Cusub Yeelatay, Muxuuse Ka Yiri Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska howlgalka Mareykanka ee Africom  ayaa waxaa uu yeeshay hoggaan cusub kadib markii uu madax ka noqday Gen. Stephen J. Townsend, waxaa uu badalay  Gen. Thomas D. Waldhauser oo howlgab noqday kadib 43 sano uu shaqeynayey.

Townsend oo goobta kala wareejinta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay hoggaankan cusub isla markaana uu safar ku iman-doono bariga Afrika si uu si dhow ula socdo howlgalka ka socda Soomaaliya.

Townsend waxaa uu horay u soo hoggaamiyey  ciidamada Mareykanka ee ku sugan Iraq iyo Syria, waxaa uuna la wareegayaa howlgalka Afrika xilli ay dowladda Soomaaliya wajaheyso dhibaato xoog leh oo kaga imaaneysa Al-shabaab.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this