Deeq A. Posted July 27, 2019 wararka ka imaanaya tuulada Karin oo hoostagta degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sheegayaa in halkaasi uu saaka dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo jabhadda la baxday DULMIDIID ee uu hoggaamiyo Col. Siciid Cawil Jaamac Caarre. Cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland ayaa sida la sheegayo saaka weerar ku qaaday ciidamada jabhadda Caarre oo shalay u soo guuray degaankaasi karin halkaasi oo ay ku taallo waddo istiraatiijiya oo lagu magacaabo Tabca. Dadka degaanka ayaa soo sheegay in ay maqlayeen daryanka hubka ay isu adeegsanayeen labada dhinac balse weli faahfaahin lagama helin khasaaraha dagaalka dhexmaray ciidamada Somaliland iyo jabhadda Caarre. Dagaalka ayaa ku soo beegmay xilli la hadal-hayay in waan-waan heshiis laga dhex wado xukuumadda Muuse Biixi iyo hoggaamiyaha jabhadda DULMIDIID Col. Caarre kadib markii jabhaddiisu ay gashay gudaha Somaliland. PUNTLAND POST The post Dagaal dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Jabhadda Caarre appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites