Sign in to follow this  
Deeq A.

Ammaanka xarumaha QM ee Muqdisho oo la adkeeyey kadib cabsi soo wajahday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan warar soo baxaya waxaa si aad ah loo adkeeyey ammaanka xarumaha Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ay jirto cabsi laga qabo weeraro ka yimaada dhanka Al-Shabaab, kadib qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Al-Shabaab ayaa shaacisay in weerarkaasi ay la damacsanaayeen Ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan oo kulan uga qeyb galay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa horay weeraro kala gadisan ugu qaaday qaar ka mid ah xafiisyada Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho.

Shalay ciidan ka socday dalka Uganda oo qeyb ka ah ciidamada UNGU (United Nations Guard Unit) ayaa lagu soo dhaweeyey xarunta Xalane degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Ciidamadan oo gaarayey 625 askari oo 86 ka mid ah ay yihiin haween ayaa howshoodu waxa ay tahay sugidda amniga shaqaalah QM ee ku sugan Muqdisho.

Weerarkii ugu dambeeyey ee lala beegsaday xarunta QM ayaa dhacay 1-dii January ee sanadkan, kaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay qaar ka mid ah shaaqalaheeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this