Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharraxiinta Jubbaland oo ku dhawaaqay go’aan yaab leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed (Xidig) oo ka mid ah Musharraxiinta ugu caansan ee Jubbaland ayaa ku dhawaaqay inay sameysan doonaan guddi ka madax banaan kan doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland.

Xidig oo Wariyeyaasha kula hadlayey Kismaayo ayaa shaaciyey inay wadaan qorshe ay ku sameysanayaan guddi doorasho oo dhex dhexaad ah, sida uu hadalka u dhigay.

Musharrax Cabdirashiid Maxamed (Xidig) ayaa hoosta ka xariiqay in guddiga hadda jira ee uu magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe aysan ku shaqeyn wax Cadaalad ah.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey inay garab u yihiin Musharrax gaar ah, gaar ahaan Axmed Madoobe.

Waxa kale uu sheegay in aysan soo xulin Odayaal sax ah, islamarkaana ay laga soo tagay Odayaashii Dhaqanka ee lahaa dhismaha Jubbaland.

Doorashada Jubbaland oo dhaceysa bisha soo socota ee Augusto ayaa waxaa weli jira caqabado iyo tabasho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this