Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeesow: Farmaajo iyo Kheyre waxxay ku sigteen inay u gacan galaan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo katirsan Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiiro iyo shaqaale kale ay halis galeen islamarkaana ay si dhib leh uga soo baxsadeen Al-Shabaab.

Jeesow ayaa sheegay in uu aad uga wal walsanaa Xaalada Madaxdaan balse uu Alle soo badbaadiyay hadda wixii ka dambeeyana ay ka feejignaan doonaan in ay dib ugu laabtaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayuu sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow in ay maamulaan Al-Shabaab isagoo Axmed Madoobe ku tilmaamay garab kamid ah Al-Shabaab.

“Axmed Madoobe waa Al-Shabaab waxaana qatar galay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka balse Alle ayaa soo badbaadiyay” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

“Axmed Madoobe waa hogaamiyaha garab kamid ah Al-Shabaab waxa uuna aaminsan yahay fikirkooda sababtoo ah waad ogeed in uu ajaaniib ku tilmaamay dadkii ku dhintay weerarkii Kismaayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo katirsan Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in uusan rajo ka qabin in uu tago magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose inta uu ka shaqeeyo maamulka Axmed Madoobe oo uu ku tilmaamay garab kamid ah Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this