Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirada DF ee Puntland ka soo jeeda, oo lacag iyo fursado shaqo ku celiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirada ku jira Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda degaanada maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabooyin aan lagu aqoonin Wasiirada kale ee Xukuumadda Soomaaliya ee ka soo jeeda gobalada kale ee dalka.

Wasiiradan oo gaaraya ilaa 3 Xubnood ayaa dhowr jeer shirar ku saabsan Wasaaradaha ay hogaamiyaan ku qabtay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaana ka soo qayb galay tobaneeyo dad ah oo ay ku jiraan wasiirada maamul gobaleedyada dalka.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ugu horreeya xubnahaas oo marar badan magaalada Garowe ku qabtay shirar ku saabsan Wasaaraddiisa iyo waxqabadkeeda waxaana dadkii ka qayb galay ka kala yimaadeen gobalada iyo degaanada maamul gobaleedyada dalka.

Muddada uu socday shirkaas waxaa ka faa’iideestay ganacsatada Garowe, siyaasiinta, dhalinyarada iyo Haweenka oo qaarkood marti ku ahaa Shirka. Hoteelo badan ayaa laga kireestaa magaalada Garowe maalmaha ay shirarka socdaa, gaadiidka ayaa sidoo kale aad loo kireestaa, warbaahinta ayaa ka hesha fursado shaqo halka ay ciidamada iyo qaybaha kale ee bulshada helaan fursado muhiim ah.

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Soomaaliya Sadiiq Warfaa, ayaa sidoo kale Shirkiisii ugu horreeyay ee ku saabsan Shaqa abuurka Soomaaliya ku qabtay halkaas, waxaana ka qayb galay Wasiirada maamul gobaleedyada iyo ururada shaqaalaha iyo dad kale oo lagu marti qaaday.

Shirkaas waxay shacabka Puntland ay ka faa’ideen kumanaan doolar kadib markii ay heleen fursado ganacsi iyo kuwa kale oo muhiim u ah degaankooda.

Shirkii ugu dambeeyay waxaa Garowe ku qabtay Wasiirka Kaluumeysiga Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan, waxa uuna shirkaas ku saabsanaa horumarinta ganacsiga Kaluunka iyo kheyraadka kale Badda dhax ceegaaga.

Qalad ma ahan in Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Puntland ay degaanadooda uga faa’ideeyaan shirarka iyo fursadaha ay helaan balse waxay muujineysaa in ay ka il dheer yihiin wasiirada kale ee Xukuumadda Soomaaliya.

Haddii Wasiirada kale ee Xukuumadda Soomaaliya shirarka ku qaban lahaayeen magaalooyinka Baydhabo, Jowhar, Kismaayo iyo Dhuusamareeb waxay noqon laheyd fursado muhiim ah iyo shaqooyin kale ay oo fud fud. Sidoo kale waxay qayb ka noqon laheyd daadajinta nidaamka Fedraalka Soomaaliya iyo kawar qabka degaanada ay ka soo jedaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this