Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Carabta oo qaaday tallaabo kale oo dhabarjab ku ah Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Tehran (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa qaaday tallaabo kale oo dhabarjab ku ah Sacuudiga, islamarkaana wafdi u diray dalka Iran oo Sacuudiga uu loolan siyaasadeed kala dhaxeeyo.

Xuseen Dahqan oo ah la-taliyaha hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyiinta Imaaraadka ay wafdi usoo direen Tehran, si ay ugala hadlaan xiisadda ka taagan gacanka.

Tallaabada Imaaraadka ee ku wajahan Iran ayaa ah tii labaad oo dhabarjab ku ah Riyadh oo ay xulufo yihiin Abu Dhabi wax ka yar labi bilood un, ayada oo Imaaraadka ay horey inta badan ciidamadooda uga soo saareen dalka Yemen.

Dahqan ayaa sheegay in Imaaraadka ay noqdeen xudunta weerarada Mareykanka uu ku qaado danaha amniga ee Iran, sidaas darteedna ay ogyihiin waxa looga baahan yahay si ay farriin nabadeed ugu diraan shacabka Iran.

Imaaraadka ayaa garowsan in dagaal kasta oo lagu qaado Iran uu horseedi doono in Iran ay beegsato magaalooyinka Dubai iyo Abu Dhabi, oo ay gantaalo ku garaacdo, waxayna isku dayaysaa inay xiisadda qaboojiso.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this