Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa xogta sirdoonka ee qaraxyada Muqdisho looga faa’iideysan la’yahay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxii ugu dambeeyay ee uruka Al-Shabaab uu la beegsaday xarunta Gobolka Banaadir Arbacadii la soo dhaafay ayaa – ka sokow khasaarihii uu geystay – waxa uu dhaliyay su’aalo waa wayn oo ku saabsan wadasahaqeynta laamaha amniga dowladda iyo cidda qaadeysa masuuliyadda.

Xogta qaraxan ayaa horey loo sii ogaa, oo xitaa Caasimada Online oo soo xiganeysa saraakiil amni, ayaa werisay maalin ka hor inay halis kusoo socoto xarunta gobolka. In gabar is-qarxin rabto waxaa laga sheegay gacanka is-gaarsiinta ee ay iskula xiriiraan booliska, sidaa soo ay tahayna waa laga hortagi waayey.

Caasimadda Online oo arrintaan baaris dheer ku sameysay ayaa ogaatay sababta aysan u miro-dhalin dadaallada hay’adaha amniga dowladda, oo ay wali u taagan tahay khatarta qaraxyada qorsheysan ee Al-Shabaab.

2018, ayaa dowladda Federaalku go’aansatay baa’inta ciidamadii hubeysnaa ee hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya, marka laga reebo ururada gaar ah u tababaran ee Gaashaan iyo Waran. Tallaabadaan ayaa waxaa ka dhashay in hay’addu xoogga saarto dhanka sirdoonka oo ay si qarsoodi ah ku shaqeyso.

Wax badan ayaa iska bedelay sidii ay NISA u shaqeyn jirtay, waxaana dib u habayn lagu sameeyay qaab-dhismeedka maamul iyada oo saraakiisha lagu amray sirta hay’adda aysan bannaanka geyn karin. Howoshaas inteeda badan waa lagu guuleystay.

In badan oo ka mid ah qaraxyada Muqdisho ka dhacay lixdii bil ee la soo dhaafay xogtooda horay ayaa loo hayey, isla markaana waxaa marar badan lala wadaagayey Booliska celcelis ahaan saddex todobaad ka hor qarax walba oo Muqdisho ka dhacay.

Xogta Qaraxii ugu dambeeyay ee lala eegtay Xarunta Gobolka Banaadir oo faahfaahsan sirdoonku waxa uu la wadaagay Taliska Booliska todobaad ka hor, Caasimadda Online ayaa ogaatay qorshaha qaraxaas, kuna dhiirratay baahinta xogtaas iyada oo xaqiijisay in isgaarsiinta Booliska laga shaaciyay xogtan balse, madaxda Booliska oo aan  xil iska saarin darteed aan laga faa’ideysan xogtii sirdoonka.

Dhacdo kale oo ay Caasimadda Online ay fursad u heshay in ay baarto ayaa ahayd gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qarxiyay gudaha xarunta degmada Warta Nabadda oo khasaare badan geystay. Xogta la xiriirta qaraxaas waxa ay sirdoonku gudbiyeen inta uusan dhicin bilo ka hor, balse majirin cid masuuliyad iska saartay.

Si taa lamid ah qaraxii wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo kuwa kale oo badan.

Dowladda ayaa u muuqata in ay qeyb ahaan ku guuleysatay dhismaha sirdoon awooda inuu xogta ka soo helo gudaha Al-Shabaab, balse waxaa shaki badan la gelinayaa tayada ciidamada amniga ee ay tahay inay qaadaan tallaabooyinkii looga hor-tagi lahaa falalka Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this