Deeq A. Posted July 26, 2019 Marka (SMN) – Maamulka magaaladda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa beeniyay in ciidamo kawada tirsan dowladda ay ku dagaalameen halkaasi. Cabdullaahi Cali Axmed Waafow, gudoomiyaha magaaladaas oo la hadlay Shabelle ayaa xusay in rasaas shalay la maqlay ay ahayd shaqaaqo. Sidda uu sheegay Waafow, shaqaadada ayaa timid markii askari uu xabad gannay, taasi oo ay ka fal-celiyeen ciidamo kale oo halkaasi ka akdhowaa. Gudoomiyaha oo qiray in xabadaasi ay sababtay iska hor-imaad ayaa sheegay in laba askari oo uu ku jiro midka xabadda riday ayaa ku dhimatay dhacdadaasi. Xaaladda magaaladda ayuu tibaaxay in ay haatan tahay mid degan, isla markaana la xaliyo xiisad ka dhalatay shaqaaqadaasi. Shalay ayay ahayd markii ciidamo kuwada sugan goob Khaad lagu iibiyo oo ku taala Marka ay is-rasaaseyn kooban ay ku dhex-martay ciidamo ka tirsan dowladda. Halkan hoose ka dhageyso wareysiga https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Marka-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites